Saturday 1 November 2014

ORC: Ogaysiiska qaxootiga Ogaden iyo Wadammada kale ee Islii/Nairobi

Waxay Golaha Qaxootiga Ogaden (ORC) ogaysiinaysaa dhamaan qaxootiga Ogaden/Ethiopia iyo kuwa wadammada kale, ee daggan xaafada Islii (EastLeigh), kana dalbaday Xafiiska Resettlementga ee UNHCR in loo soo qabto ballantii Counsellingiga; inay hubiyaan kamid-ahaanshaha codsiyada la ogalaaday inay yimaadaan November 4, 2014 iyo November 11, 2014. Waxay ORC kusoo dhajisay Codsiyadii-la-aqbalay [Approved List] ee kasoo gaadhay UNHCR, labo goobood oo kala ah: 1. Xafiiska Jaaliyada Ogaden (ORC) ee Bariga Afrika, ee JAM street 2. Makhaayada Il-kacas, [kutaalla wadada loo yaqaano ABSAME Street] Waxaan markale ogaysiinaynaa inaad heli kartaan dhamaan Codsiyadii-La-Aqbalay[Approved List] ee lasoo dhajiyay bilihii September iyo October ee 2014, oo iyaguna ku dhajisan isla goobahaas. Haddaba, qofkii iska hela liistada; waxaa lagu wargalinayaa inuu gaadho Xafiiska UNHCR Westland, isla wakhtiga loogu soo qoray ogaysiiskaa isaga ah. Fiiro Gaar Ah: • Baadhashada aqoonsigaaga, ha ku daalin File Numberkaaga ka billaabanaya NETH ama NSOM; ee ku baadho Case Number[kaaga] ku yaalla Mandate aad haysato. • Qofkii ay ku adkaato imaansha goobahaas, ee sugayay ballan-qabasho; Fadlan hasoo wicin Telefoonkan [0719 824 934], ee ku soo dir fariin [SMS] uu ku qoran yahay Case Number[kaaga] oo kali ah; o Haddii ay ballan kuu qoran tahay, waxaa SMS laguugu soo diro “wakhtiga ballanta” o Haddii ayna ballan kuu oollin, wax SMS ah lama soo dirayo.

No comments:

Post a Comment